MUUQAAL:-Ma Kula Tahay In Qof,  Curcurrada Ka Go’an Uu Noqon Karo TIMA JARE?!

0
469

Gabriel, oo macmiil timaha u jaraya!

Waxa aan ku nool nahay duni ay wax walba bannaan-yaal noqon karaan, sababtoo ah Internet-ka iyo Aaladaha kale ayaa fududeynaya in caalamku degdeg isula socdo cirif ka cirif.

Baraha bulshada waxaa hareeyay dhawaanahan muuqaalka sheeko ku saabsan nin dhallinyaro ah oo hab casri ah timaha u jara, intaas kaliya ma aha waxa uu naafo ka yahay Gacmaha-waxa uu dhashay isaga oo ka go’an Curcurrada.

Gabriel Heredia, Waxa uu ka soo jeedaa dalka Argentine, waxa uu xiiraa Timaha.

Waxa uu yiri, “Sidan ayan ku dhashay, In aan cuuryaan ahayna kama dhigna in aan hadafkeyga gaarin”

Gabriel, Aabihiis ayuu ka dhaxlay Xiiridda.

“Marka uu qofka iska dhaadhiciyo inuusan gaari Karin waxa uu doonayo, wax natiijo ah ma helayo, sidaas awgeed waxa aan go’aansaday in aan noqdo TIMA JARE, waanan hantay” ayaa laga soo xigtay Gabriel.

Doonista wiilkan ma noqon mid ku siman inuu ka gun gaaro mihnadiisa, balse waxa uu noqday Tima jaraha ugu wanaagsan dalka Argentine. Qisadiisa ayaa kuwo badan ku qasbeysa inay naftooda aaminaan.

W/T. Abubakar Maxamed Cali.