Dhageyso:-Ciidanka Xoogga Dalka Oo Ku Guuleystay Inay Kala Qaadaan Maleeshiyo Beeleed Muddo 6 Sanado Isku Hor Fadhiyay Magaalada Marka+Sawiro.

0
242

Ciidanka Xoogga Dalka  Gaar Ahaan Guutada 14-Ka Oktoobar Ayaa Ku Guuleystay In Aya Kala Qadaan Maleeshiyo Beeleed Muddo 6 Sano Ah Isku Hor Fadhiyay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Horjoogeyaashii Kooxahan Dirirtu Ku Dhex Martay Magaalada Marka Ayaa Soo Bandhigay Dhibaatada Iyo Nolol Xumida Ay Ka Dhaxleen Colaadda Soo Jiitamaysay Muddada 6-Da Sano Ah, Iyagoona Ballan Qaaday In Ay Ka Shaqeynayaan Horumarinta Deegaankooda Iyo Xoojinta Isku Duubnida Bulshada Magaalada Marka.

Saraakiisha Ciidanka Ayaa Halkaas Kula Hadlay Melayshiyaadkaas, Iyagoona Ku Wacyi Geliyey Ilaalinta Nabadda

Dhinaca Shacabka Magaalada Marka Ayaa Soo Dhaweeyay Iyagoona  Isugu Soo Baxay Fagaareyaasha Magaalada Si Ay U Muujiyaan Dareenkooda Farxadeed Ee Ku Aaddan Heshiisiinta Dadkan Walaalaha Ah Iyo Dib U Soo Celinta Isu Socodka Magaalada Marka .

dhageyso codadka saraashiisha ciidamada.

dhageyso codadka shacabka magaalad marko,