Dhageyso:- Dowladda Soomaaliya Oo Lagu Eedeeyay In Ay Ballamihii Uga Baxday Mukhtaar Roboow.

0
139

Dowladdda Soomaaliya ayaa dhawaan ka mamnuucday Mukhtaar Rooboow in uu isku soo taago qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana jira eedeymo soo baxaya oo loo jeedinayo dowladda oo la sheegay in ay ballamo uga baxday Rooboow.

Wasiirkii hore e e gaadhaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed oo ahaa mas’uulkii bilaabay wada hadallada dowladda iyo Mukhtaar Rooboow waqtigii uu ka soo baxay Al-shabaab, ayaa sheegay in dowladdu ka baxday dhamaanba ballamihii horey loo wada gallay.

Cabdirashiid ayaa sheegay Mukhtaar Rooboow cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Al-shabaab mar hore-na isaga baxay, iyadoo dagaaal uu la galay Ururka sida uu hadalka u dhiggay uu ku waayay wiilkiisa.

Dowladda Soomaaliy ayaan wali ka laaban mowqifkeedii hore oo ay uga mamnuucday Mukhtaar Rooboow musharaxnimada doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhawaan Baydhabo tagay wafdi uu horkacayay taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kulan la yeeshay Rooboow.

Laakiin haddana dhinaca kale marka la eego waxaa wali Baydhao ka sii soconaaya ololaha doorasho ee Rooboow uu ku doonayo in uu ku caddeeyo wax qabadkiisa haddii xilkan loo doorto.

dhageyso codkii Wasiirkii hore e e gaadhaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed.