Wararkii Ugu Dambeyey Ciidamo Hubeysan Oo Xalay Howgallo Ka Sameyey Suuqda Bakaaraha.

0
171

Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Federalka Somaliya Ayaa  Xalay Gudaha Usoo Galay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho, Kana Sameeyey Howlgalo Lagu Baarayey Dadka Iyo Gaadiidka

Ciidamada Ayaa Lagu Arkayey Wadada Kobaad Iyo Tan Labaad Ee Suuqa Bakaaraha Iyo Qeybo Kamid Ah Jidka Wadada Halkaas Ay Mudooyinkii Dambe Ay  Kusoo Bateyn Dhac Loo Geysto Dadka Shacabka Iyo Ganacsatada Sudaasi Bkaaraha

Mid Kamid Ah Dadkii La Kulmay Baaritaankaan Ayaa Starfm Ushegay In Ciidamada Ay Si Gaar Ah Ubartilmaamsanayeen Gadiidaka Mooto Bajaajka Oo Modooyinkii Dambe Wax Lagu Dhacayey.

Arintaan Aya Kusoo Aadeysa Xili Todobaadkaan  Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Ay Walaac Ka Muujinyeen Tuugo Habeen Iyo Maalin Usoo Dhigatay Inay Hantidooda Dhacaan.

Dhanka Kale Taliska Ciidamada Booliska Dowladda Somaaliya Oo Arintaan Ka Jawaabaya Ayaa Ciidamo Ka Socdo Saldhigyadda  Dagmooyinka Warta Nabadda Iyo Howlwadaag Geyey Suuqda Bakaaraha.