Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu Hogaaminaayo Oo Gaaray Magaalada Riyaad(Daawo Sawiro)

0
54

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyadoo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga bilaabatay.

Inta uu booqashada ku joogo Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona madaxda Bangiga horumarinta Islaamka iyadoo wadahadaladaana diirada lagu saarayo horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.