Dhageyso:-Faah-faahino Laga Helayo Howlgalo Ciidanka Xooga Dalka Ay Kasameyeen Deegano Iyo Degmooyin Ka tirsan Gobolka Hirran.

0
260

Ciidamada Xooga Dalka Qeybta 27aad Ee Deegaanada Hirshabeelle Oo Kaashanaya Ciidanka Amisom Ee Hiilwalaal Ayaa Ururka Alshabaab Kala Wareegay Deegaanka Buurweyn Ee Ka Tirsan Degmada Buulo Burte Ee Gobolka Hiiraan Sida Ay Starfm Ay  U Xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Ee Howlgalka Hogaaminaya.

Howlgalkan Ay Ciidamada Is Garab Sanaya Waxa Ay Ka Wadaan Deegano Iyo Degmooyin Katirsan  Gobolka Hiiraan Iyadoona Saraakiisha Hogaamineysa Ay Kusheegeen In  Ujeedadiisu Tahay Sidii Al Shabaab Looga Saari Lahaa Deegaanada Ay Kaga Sugan Yihiin Gobolka Hiiran.

Abaan Duulaha Guutada 5 Shanaad Ee Ciidanka Xooga Dalka Maxmaed Abdi Hassan Oo Qadka Taleefanka Ugu Waramay Wariyahayaga Abdishakuur Maxamed Hassan Ayaa Faafaahin Kabixiyey Howlgalka Ay Alshabab Kala Wareegeen Deegaano Ay Kusugnaaayeen.

dhageyso codka Abaan Duulaha Ciidanka Xooga Dalka Maxmaed Abdi Hassan.