Golaha Shacabka Oo Maanta Fadhi Ka Leh Xisaab Xirka Miisaaniyadda Dowladda 2017.

0
104

Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Maanta Oo Ah Arbaco Taariikhduna Kubeegan Tahay  10-Ka Bisha Octoober 2018 Kulan Ay Kuyteelanayaan Xarunta Golaha Shacabka Somalia Waxa Ay Kaga Hadlidoonan Xisaab Xirka Miisaaniyadda Dowladda Sanadkii 2017-Kii.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Ayaa Lagu Wargeliyay Ajendaha Maanta Ee Kusaabsan Xisaab Xirka Miisaaniyadda Dowladda Sanadkii Tagay Ee 2017-Kii.

Guddiga Maaliyadda Ayaa Qorshuhu Yahay In Ay Golaha La Wadaagaan Xisaab Celinta Miisaanadda Dowladda Ay Ku Shaqeysay Sanadkii Tagay Ee 2017.

Golaha Shacabka Ayaa Intaa Kadib La Filayaa In Ay Dood Ka Yeeshaan Xildhibaanada, Iyaga Oo Inta Ugu Badan La Isweydiinayo Halka Ay Ku Baxday Lacagta Miisaaniyad Ahaan Baxday.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Ayaa Hadda U Muuqda In Uu Dar-Dar Gelin Xoogga Ku Wado Ajendayaal Xildibaanada Qaar Ay Sheegeen In Dib Udhac Ku Yimid Waqtigii Uu Jiray Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Gudoomiyihii Hore Ee Golahaan Xildhibaan Maxamed Osmaan Jawaari  Oo Saameyay Inta Badan Kalfadhigii 3-Aad.