(Akhriso):-Mulkiilihii Kooxda Leicester City Ee Ka Dhisan Dalka Britain Oo Geeriyooday.

0
85

Milkiilaha Kooxda kubadda cagta ee Leicester City Vichai Srivaddhanaprabha ayaa ku geeriyooday diyaarad Helicopter ah oo uu saarnaa, taasoo sabtidii la soo dhaafay ku burburtay banaanka Garoonka Kooxda ee King Power.

Vichai Srivaddhanaprabha ayaa saarnaa diyaarad Helicopter ah oo ka duushay garoonka King Power, markii ay dhamaatay ciyaartii dhex martay Kooxda Leicester iyo Westham, taasoo ku dhamaatay 1-1.

Diyaaradda burburtay ayaa soo wajahday cilad, waxaana ku geeriyooday labo ka mid ah shaqaalihiisa, duuliye iyo gabar wehlineysay.

Diyaaradda ayaa la sheegay in koontaroolka ay lumisay, kadibna dhacday, iyadoo uu dab qabsaday.

Taageerayaasha Kooxda ayaa ubax dhigayay banaanka garoonka, si ay xusuus iyo tiiraanyo ugu muujiyaan Milkiilaha Kooxda iyo dadkii kale ee ku geeriyooday shilka diyaaradeed.

Vichai Srivaddhanaprabha ayaa ah maalqabeen u dhashay dalka Thailand waxaa uu Kooxda Leicester City la wareegay sanadkii 2010, iyadoo Kooxda sanadkii 2016 ay ku guuleysatay Horyaalka Ingiriiska.