Afhayeenkii Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa iska casilay xilkaasi.

0
14

C/laahi Sheekh Xasan oo ahaa afhayeenkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa iska casilay xilkaasi.

Is casilaadan oo uu kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo ayaa timid wax yar un kadib markii uu is casilay madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

C/laahi Sheekh Xasan oo ah wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xilkaasi uusan sii heyn karin maadaama uu is casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa ninkii booskaasi ku qal qaaliyay.

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa hada ku dhaw burbur, maadaama keliya ay isugu soo hareen madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo isagaba ay heysato xaalad siyaasadeed.