Diyaarad siday dhalinyaro laga keenay dalka liibiya ayaa caawa soo caga dhigtay garoonka Aadan cade.

0
22

Waxaa caawa fiidkii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday dhalinyaro badan oo ka yimid dalka Libya.

Muwaadiniintan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Somaliya.

Dhalinyaran oo dowladda Somaliya ay ka soo deysay xabsiyo ku yaalla dalka Libya ayaa waxa ay tiradooda gaareysaa 124 ruux oo isugu jira rag iyo dumar.

Masuuliyiinta dowladda ka tirsan ee Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay dhalinyaradan ayaa sheegay dowladda Somaliya inay ka go’an tahay dib u soo celinta dhalinyarada Somaliyed ee dalka dibadiisa ku dhibaateysan.

Dhalinyaradan qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen mudo kadib in ay ku faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada dalkooda, waxayna dowladda federaalka ka codsadeen inay shaqo abuur u sameyso.