Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Xilkii iska Casilay(Dhageyso).

0
19

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa madaxweynihii Koonfur Galbeed ayaa goor dhaw oo galabta ah ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha oo maalmo uga harsanaa.

Sidoo kale Shariifka ayaa xaqiijiyay inuu ka tanaasulay u tartamida doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Is casilaadiisa ayaa timid kadib markii madaxtooyada kulan saacado badan socday uu kula qaatay wasiirka arrimaha gudaha Somaliya oo maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa ku sheegay sababta uu isku casilay inay tahay is qabqabsi u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana uu u turay shacabka.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay doortaan madaxweyne dan u ah deegaanka iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay inta laga soo dooranayo madaxweyne cusub in xilka uu si KMG ah u heynayo guddoomiyaha baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Beesha Caalamka ayuu ka dalbaday inay si gaar ah isha ugu hayaan doorashada Koonfur Galbeed, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan rabitaankooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ka garab hadlay Shariif Xasan ayaa soo dhaweeyay talaabadan.

Musharaxiin badan oo laba ka mid ah la sheegay inay wadato dowladda ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyada oo qorshaha uu yahay in doorashada ay dhacdo 17-ka bishan.