Farmaajo iyo Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

0
26

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Kulanka xalay ka dhacay Villa Somaliya wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo saacado ay ka soo wareegatay iscasilaadii uu sameeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dowladda Somaliya ayaa wadato musharax gaar ah oo ay la dooneyso qabashada hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo 17ka Bishan ay ku beegan tahay waqtiga la filaayo inay doorashada dhacdo.

Kulanka xalay Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Mursal ay yeesheen ayaa dhacay waqti dambe oo xalay ah.