Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka dhoofay magaalada Baydhabo

0
16

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay xilka ka degay kana tanaasulay inuu ka qeybgalo doorashada Madaxtinimo ee Koofurgalbeed ayaa maanta ka dhoofay magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa la sheegay in kahor inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kula kulmay golihii wasiirada dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ahaa sanadihii la soo dhaafay siyaasi ka dhex muuqday saaxada siyaasda dalka Soomaaliya isagoo ka soo noqday Guddoomiye Baarlamaan dowladii lagu soo dhisay dalka Kenya.

Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh ayaa soo noqday wasiirka maaliyada dowlada federalka waxana uu ugu dambeyntii noqday Madaxweynaha maamul goboleedka Koofurgalbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu u tanaasulay shacabka Koofurgalbeed cadaadis xoog lehna la saaray.

Si kasta ha ahaatee lama oga Shariif Xasan Sheekh Aadan halka uu ku dambey doonto siyaasadiisa iyo qaabka uu markale ugu soo laaban doono iyadoo sanadka 2020ka la qorsheynayo in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah isla markaana xisbiyo siyaasadeed laga furi doono dalka.