Maxamed Mursal Sheekh ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.

0
45

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishan.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, oo xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen.

Kulankaan deg deg ah ayaa kusoo beegmaya xilli Afartii Kulan  ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu baaqday.

Wadahadal saacaddihii lasoo dhaafay u socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la isku mari waayay.

Waxyaabaha Wadahaddalada looga hadlaayay waxaa ka mid ahaa Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ciidankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay geystay Baydhabo iyo Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow.