Qarax Goor Dhaw Kadhacay Magaalada Muqdisho.

0
98

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ismaaciil Sheekh Khaliif Goordhow uu ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa .

Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa la sheegay in Gaarigiisa qaraxa loogu dhijeyay,isla markaana dhaawac uu ka soo gaaray markii Miinadii loogu dhejiyay ay la qaraxday,xilli uu ku sugnaa Agagaarka Garaashka Xaaji Baasto ee Isgoyska Shaqaalaha.

Mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho ayaa loo qaaday dhaawaciisa,sida aan Wararka ku heleyno.

Laba maalmood kahor ayay aheyd markii qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dilay agaasime waaxeed ka tirsanaa Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka.

Maalmahan dambe waxaa kordhay weerarada qaraxyada iyo dilalka tooska ah isugu jira ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.