Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Gaaray Magaalada Buula burde ee gobolka Hiiraan.

0
39

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buula burde ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga Abaandulaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen magalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyaga oo kulamo la soo qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Sababta ay u tageen magaalada Buula burde ayaa lagu sheegay dardar galinta howlaha muhiimka ah ee ciidanka dowladda iyo qaadista howlgallo ka dhan ah Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay u diyaar garoobayaan dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo ujeedkiisa uu yahay sidii looga saari lahaa guud ahaan dalka.