Xasan Daahir Aweys oo Ka Hadlay Weerarkii Gaalkacyo Alshabaab Ay Ku Qaadeen.

0
69

Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska soo duubay oo Baraha Bulshada lagu faafiyay wuxuu kaga hadlay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen 26-kii Bishii la soo dhaafay guri Magaalada Gaalkacyo uu ka daganaaa C/wali Cilmi Yare iyo xer dhalinyaro u badan uu halkaasi ku haystay.

Daahir Aweys, ayaa sheegay in weerarkaasi dadkii fuliyay ay ka farxiyeen shacabka Somaliyed, wuxuuna ku taageeray Shabaab fulinta weerarkaasi oo uu sheegay bulshada Somaliyed inay soo dhaweeyeen.

xasan ayaa sheegay Shabaab inkastoo fulinta weerarkaasi ay kaga farxiyeen bulshada, haddana ay sameeyaan xilliyada qaar inay fuliyaan weeraro ay kaga oohiyaan shacabka Somaliyed.

Waxa uu tusaale u soo qaatay xubno dowladda ka tirsan oo ay ka wada doodeen fulinta xukunada Islaamiga ah, kuwaasi oo ku dooday in dowladda ay fuliso Xukuno islaaami ah, balse Xasan Daahir ayaa sheegay Xukunada dowladda ay fuliso inay yihiin kuwa amniga galay, laakiin aysan aheyn arrin loo fulinaayo hanaan dowlad Islaami ah oo xittaa Xukunada qaar la isku haysto.

Bulshada Somaliyed ayaa ku kala aragti duwanaaday markii uu dhacay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen  C/wali Cilmi Yare.