Ciyaartooy Ka Socota Jaaliyada Soomaalida ee Australia oo Muqdisho Soo Gaaray(Daawo Sawiro).

0
22

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo weheliso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey kooxda kubadda cagta oo ka socotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Australia.

Duqa Muqdisho ayaa horey ugu martiqaaday Muqdisho kooxdan, iyagoo la ciyaari doona qaar kamid ah kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Caasimadda dalka, Shacabka Caasimadda ayuuna ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan dhalinyaradan Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in Ciyaaraha ka sakow ay kooxdani ku jiraan samafalayaal caafimaad oo bulshada kuwooda nugul gargaar Caafimaad bilaash ah u fidin doona, waxuna uga mahadceliyey dadaalkooda.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyey Ciyaartoyda ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/G Bashiir Maxamed jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Marti sharaf kale.