Khilaafkii ka Dhashay Gudiga Maaliyadda oo laxaliyey.

0
17

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa wada dadaaladii u dambeeyay ee uu ku xalinayo xiisada ka dhalatay kala diridii Guddiga Maaliyadda ee uu sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad, taasoo sababtay in maalmo hakad ku yimaado Fadhiga Baarlamaanka.

Warar ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu la kulmay Kuxigeenadiisa, Xildhibaanada labada dhinacyo iyo Madaxda sare ee dalka, isagoo kala hadlay sidii xeer jajab siyaasadeed lagu xalin lahaa kala diridaas, maadaama qaab sharci ah aan markii hore loo marin.

Waxaa uu sheegay in Guddiga Maaliyadda oo labo u kala jabay ay sabab u aheyd arrin siyaasadeed oo ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay aheyd arrin la rabay in guddiga lagu kala dhantaalo.

Kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa waxa ka dhashay doodo sharciyeed oo ku aadan in Guddoomiye kuxigeenka 1aad aanu u marin qodobada xeer hoosaadka, isla markaana aanu awood u laheyn inuu kala diro