Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia, ayaa sheegaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Ururka Al Shabaab iyo kuwa Kenya inuu ka dhacay deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo.
Dagaalkaan, ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Shabaab weerar culus ay ku qaadeen ciidanka Kenya ee ku sugan deegaanka Tarako, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub aad u culus.
Xoogaga Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay Saldhiga Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Tarako, kadibna waxaa xigay Dagaal fool ka fool ah oo ciidamada Shabaab iyo kuwa Kenya ay isku arkeen.
Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ayaa lasoo warinayaa inuu soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ee ciidamada Kenya iyo kuwa Shabaab, balse lama oga inta uu la eeg yahay khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.
Deegaanka Tarako, wuxuu u dhaw yahay Deegaanka Faax-faax dhuun ee Gobolka Gedo, deeganadan waxaa mar waliba weeraro culus ku qaada ciidamada Shabaab.
Saraakiisha ciidamada Dowladda ee deegaanka Tarako, weli kama aysan hadlin dagaalkaan culus ee xalay ciidamada Shabaab ay ku qaadeen deegaankaasi.
Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan Saldhigyada ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka.