Taliyaha Ciidanka Jabuuti Ee Gobolka Hiiraan, Korneyl Maxamed Cilmi Habane, ayaa wuxuu Odayaasha Gobolka Hiiraan uu ku eedeeyay inay is hortaag ku sameeyan ragga ka tirsan Al Shabaab, marka gacanta lagu soo dhigo.
Taliyaha waxa uu bulshada reer Hiiraan uu weydiistay inay la shaqeeyan Ciidamada Huwanta, lana soo sheego kuwa dadka ku dhex dhuumanaaya, ee hadana dhibaatada ku haaya.
“Waxaan oranayaa dadka walaalahayaga ah, waxaan jecelnahay in Ciidamada lala shaqeeyo, wixii dhibaataynaaya dadka shacabka ah ku dhex dhuumanaaya, la sheegoo, la tilmaamo. Inaan loo qarin ninkani waa nin reerkayga oo waa reer hebel weeyaan. Taa baa badan dadkeena dhexdooda.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha, ayaa yiri “Ninkiiyoo Shabaaboo la garanaayo ood soo qabatay baa lagu oranayaa waa ina hebeloo, waan garanaynaa, Odayaal gar cas casow oo waaweyn, weliba inama yar yar maaha. Taas ha joogsato, oo dhan midda aan ka wada jeedsano.”
Korneyl Habane wuxuu carab dhabay Guutada Ciiltire oo ka tirsan Ciidanka Jabuuti Ee Amisom qaybta ka ah, inay diyaar u yihiin inay isku furaan wadada dhirirsan ee xiriirisa Baladweyne iyo Buulo Burde.
Ciidamadu waxay gaareen meel ku dhow wadada kala qaybisa Buulo Burde iyo Baladweyne, waxayna xilligan diyaargarow ugu jiraan, sidii ay ku gaari lahaayen deegaanada hoos-tagga Buulo Burde.