Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, iyadoo maanta la sii wadi doono su’aalo weydiinta Ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay isugu imaanayaan in la sii wadi doono su’aalaha la weydiinaayo Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Amniga.
Wuxuu sheegay hadii ay suuragasho oo uu saamaxo waqtiga in qorshaha uu yahay in la soo xiro kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Somaliya, balse ay suuragal tahay in lagu daaho Su’aalo weydiinta.
“Maanta oo Sabti ah taariiiqdana ay ku beegan tahay 5-Maarso waxaa jira Kulanka Baarlamaanka Ajandaha kulanka waa Sii wadista Su’aalo weydiinta Xukuumadda, Su’aalahaasi oo ku saabsan dhanka ammaanka, hadii uu waqtiga inoo saamaxana waxaa la soo xiri doonaa kulanka Baarlamaanka kalfadhiga 7-aad” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Baarlamaanka Somaliya ayaa si adag ugu dhagan Xukuumadda Cumar C/rashiid oo waxa ay ku haystaan arimaha ammaanka, maadaama ay jirto habacsanaan dhanka ammaanka ah oo haysata laamaha ammaanka Dowladda Federalka Somaliya.
Su’aalo weydiinta Wasiirka Amniga iyo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa soo bilaabatay Arbacadii oo waqti lagu qaatay, iyadoo Khamiistiina ay aheyd mid taas la mid ah.