Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Amisom, howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxa ay ku soo qabteen waxyaabaha qarxa oo la sheegay guri ku yaallo halkaasi lagu diyaarinaayay.
Saraakiisha ciidamada waxa ay sheegeen ujeedka howlgalkan inuu ahaa mid guud oo amniga lagu sugaayay, balse ciidamada intii ay howlgalka ku jireen ay heleen xog ku saabsan guri ku yaallo Degmada Baardheere oo ay ku sugan yihiin rag ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Ciidamada ayaa la sheegay inay weerareen gurigaasi, hayeeshe waxa ay tageen gurigii oo cidlo ah oo qofna aysan ku jirin, balse waxa ay guriga kasoo dhex qabteen hub u badan waxyaabaha qarxa.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Aadan Dalal, ayaa sheegay inay guriga kasoo saareen Bambooyin iyo Miinooyin la qorsheynaayay in qaraxyo lagu diyaariyo.
“Howlgalka amniga guud ee Degmada ayaan ku xaqiijineynay, maalmahaan waan wadnay, balse waxaa naloo sheegay guri ay ku sugnaayeen nabad diidka, waxaan soo qabannay qaraxyo ay maleegayeen iyo hub kale, laakiinse iyaga goobta waa ay ka baxsadeen.” Ayuu yiri Sarkaalkaan oo la hadlay Idaacada Goobjoog.
Faah-faahin badan kama uusan bixin qaabka ay ku baxsadeen raggii Shabaabka ahaa ee guriga qaraxyada ku diyaarinaayay, balse waxa uu sheegay inay joogteyn doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo amniga lagu xaqiijinaayo.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Bishii aan soo dhaafnay, kadib markii guluf Milateri oo culus ay ku qaadeen Magaaladan oo Shabaab muddo 8-sano ay maamulayeen.