Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay soo gaba gabeeyeen wajigii labaad oo ah shuruudaha Soomaaliya looga cafinayo deymaha, isagoo caddeeyay inay ku guuleysteen dib u habeynta nidaamka maaliyadda Soomaaliya.
Wasiir Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Bankiga Adduunka iyo Hey’adda IMF ay ku qanceen hufnaanta nidaamka maaliyadda dalka, ayna ka gudbeen wajiga labaad ee habka deyn cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka laguda galay wajigii ugu dambeeyay ee deen cafinta oo ay horyaalaan shuruudo hor leh.
“Laba Arrimood ayaa noo suura galay, waa tan koowaadee waxaan soo gaba gabeynay wajigii labaad oo warqadina ay kasoo baxday la leeyahay Soomaalidu wey kasoo baxeen, waxaa taasi noogu xigay in uu inoo bilowday wajigii sadexaad oo aan fileyno inuu yahay kii ugu dambeeyey oo hadii aan ka gudubno aan kamid noqoneyno aduunyada kale”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in hagaajinta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ay sababtay in Bankiga adduunka ay sanadkaan ugu yaboohaan Soomaaliya 140-milyan oo doolar, halka midowga yurubna ay ku deeqeen 100M.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay hubinayaan sida ay ku yimaadeen deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, ayna la xiriireen dalalka deymahaasi sheegtay.
Waxaa uu sheegay in Mideynta canshuur qaadista hey’adaha dowladda ay qeyb ka aheyd sharuudaha deyn cafinta
“Shuruudaha ugu adag ee ugu waaweynaa waxa weeyaan inaan kordhino dakhliga wadankeena Gudihiisa kasoo xarooda”ayuu yiri Wasiir Beyle
Wasiir Beyle ayaa intaa ku daray in ciidanka iyo Howl-wadeenada safaaradaha inay hubinayaan inay akoono ku qaataan mushaaraadkooda si loo xaqiijiyo inaan lacago kaash ah gacanta lagu qaadan.
“Shantii kun ee ugu horeysay ee ciidankeena kamid ah ayaan Akoono u sameynay inta kalena wey ku xigeysaa, qof waliba oo ciidan ah iyo qof waliba oo shaqaale ah iyo cid waliba oo dowladda wax ka qaadataa waa iney farihiisa meel yaalaan Akoonkiisa wax lagu shubaa arin badan bey xalineysaa taasi”ayuu yiri wasiirka.
Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sidoo kale la ogaan doono safaaradaha dibadda hadii ay jiraan lacago soo gala iyo halka lagu bixiyo, iyo tirada shaqaalaha ka howlgala safaaradaha Dibadda ee Soomaaliya.