Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia iyo Wafdi uu hogaaminaayo, ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia, Wasiiro kale oo Xukuumadda ka tirsan iyo Xildhibaano.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, waxaa ku soo dhaweeyay xubnaha Wafdiga Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale oo Jubbaland ka tirsan.
Ra’iisul Wasaare Sharmaake iyo xubnaha la socda ayaa loo galbiyay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, halkaasi oo kulan ay kuwada leeyihiin Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ku qotoma sidii loo dhameystiri lahaa heshiis horay ay u wada galeen Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Jubbaland.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Magaaladaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa horay u tagay Magaalada Kismaayo, wuxuuna heshiis kula galay maamulka Jubbaland, inkastoo heshiiskaasi aysan waxba ka dhaqangelin.








