Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, ayaa maanta qaabilay wefdi ka socday dowladda Mareykanka, waxayna hogaamineysay Katie Wheelbarger oo ah Agaasinka Siyaasada Ee Aqalka Sare Wakiilada, Arrimaha Adeega Ciidamada.
Kulanka, ayaa waxaa ku wehlinayay Ra’iisal Wasaaraha, Wasiirkiisa Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, waxaana looga hadlay arrimo khuseeya amniga dalka, gaar ahaana qorshaha ay dowladdu wado ee isku dhafka Ciidamada dowladda, iyo tababaristooda.
Labada dhinac, ayaa ka wada hadlay sidii tayo kordhin loogu sameyn lahaa shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda Gaashaandhigga, si loo helo shaqaale rayid isla markaana aqoon leh oo ka shaqeeya Wasaaraddan, waxayna dhanka kale balan qaadeen inay taageero ka geysan doonaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta taliska Xooga dalka iyo Wasaaradda.
Ra’iisua Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Mareykanka taakulada ay mar kasta la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabto taageero dhanka dhismaha, tayayenta iyo qalabeynta ciidamada.
“Qorshaha isku dhafka Ciidamada Xoogga Dalka heer fiican ayuu marayaa, waxaana haatan tababaro uga soconayaan xeryo kala duwan oo ku yaala gobolada dalka, waxaana rajeyneynaa in qorshahani guuleysto.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo hadalkan ku sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa.