Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 12 askari looga dilay weerarkii labo maalmood ka hor Al-Shabaab ku qaaday saldhig ay degenaayeen Ciidankooda ku sugnaa deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda ayaa u sheegay BBC-da in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in 50-askari loogaga dilay weerarkaas.
“12-askari ayaa ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen, meydadka 10 ka mid ah waxaa la keenay Uganda, labadana kalena waa la keenayaa”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Uganda.
Paddy Ankunda ayaa sheegay in guddi baaritaan loo saaray, si ay u baaraan halka ay wax ka khaldameen, waxaana uu xusay in ciidamadooda ay si adag isaga caabiyeen Al-Shabaab, ayna khasaare ka badan midka ay sheeganayaan u geysteen sida uu yiri.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay in ciidamo la la’yahay, waxaana uu xusay in AMISOM ay u xaqiijiyeen in aysan wax ciidan maqneyn sida uu yiri.
Ciidamada Uganda ayaa ah ciidamada ugu badan ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ee Midowga Afrika
Talaadadii ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerartay saldhig ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale, waxaana saraakiil reer galbeed ah ay u xaqiijiyeen wakaaladaha wararka in la dilay 50 ka badan askarta Uganda.