Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ska Mareykanka, ayaa waxay maanta ku dul heehaabayan hawada Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Tani waxay ka dambeysay markii Xoogaga Ururka Al Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen xerada Ciidamada Amisom ku lee yihiin Degmadaasi. Xoogaga Al Shabaab ayaa xoog ku qabsaday xeradaasi.
Shacabka ku dhaqan Degmadaasi, ayaa waxay arkayn diyaaradaha Drones-ka oo qaarkood joog aan sidaasi u fogayn ku duulaaya, iyadoona uu dareen baqdin ah ku dhaliyay bulshada Deegaanka.
Dadka reer Janaale, ayaa sheegay in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay isaga baxeen Degmadaasi, waxa kaloo ay sheegeen in meydad ka tirsan askarta Amisom lagu arkay wadooyinka, marka laga soo taggo Shabaabka oo qaatay tiro meydad ah oo ka tirsan Ciidamada Uganda.
Diyaaradaha, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay raadinayan qaar ka mid ah Ciidamada Uganda, oo sida la sheegay ay nolosha ku wateen Xoogaga Ururka Al Shabaab.
Sarkaal Ciidanka Somaliya ka tirsan, ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah Ciidamada Uganda, iyagoo nool, isla-markaana ay horey u sii ka xaysteen.
Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka Ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, Cali Nuur Maxamed, ayaa sheegay in xaaladda Degmada Janaale ay galabta degan tahay, marka laga soo taggo in dhaq dhaqaaqa Degmada, ay go’an tahay.