Dowlada Shiinaha ayaa ugu deeqday qalab qiimihiisu uu gaaray 5.5 million oo dollar ciidamada Nabad ilaalinta dalka Uganda ee ka howlgala wadanka Soomaaliya.
Deeqdan oo ah tii ugu badneyd ee ay dowlada Shiinaha ugu deeqdo dalka Uganda sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ah saddex wiish oo konton tan qaadi kara,12 gaadiidka qaada ciidamada,afar baabuur oo ah booyado iyo gaadiid kalaba.
Afhayeenka ciidamada Uganda (UPDF) Paddy Ankunda ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku xaqiijiyay deeqdan.
“Qalabkan waxa uu noqonayaa mid gacan weyn ka siin kara ciidamada Uganda ee ka howlgalaya dalka Soomaaliya,”Taliyaha ciidamada dalka Uganda Gen. Edward Katumba Wamala ayaa ka sheegay warkan xaflad ka dhacday dalka Uganda.
Safiirka Shiinaha ee dalka Uganda Zhao Yali ayaa soo dhoweeyay fikirka ah in ciidamada Uganda ee ka howlgala dalka Soomaaliya lagu caawiyo.
“Dhammaanteen waxaa haatan na haysta weeraro argagaixiso sidaa darteed ayaa loogu baahan yahay in la isaga kaashado la dagaalanka argagaxisada,” ayuu yiri Zhao.
Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Uganda Zhao ayaa sheegay in shanta dal ee xubanah joogtada ka ah golaha ammaanka uu dalka Shiinuhu yahay kan ugu badan ee caalamka ciidamo nabad ilaalineed ay ka joogaan.
Ciidamo ka badan siddeed kun oo askari ayaa dalka Uganda waxa ay ka joogaan Soomaaliya iyagoo ka mid ah ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM