Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa lagu weeraray maqaaxi ku taala xeendaabka Jubba Hotel, taa oo ay fariistan Ciidamada Dowladda Somaliya iyo dadka caadiga ah, waxaana ku dhawaa maqaaxiyado la fariisto xilliyada galbihii ah.
Goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa hareerihiisa waxaa ganacsiyo yar yar ku haystay dadka danyarta ah, iyadoo dadka qaraxaasi wax ku noqday ay u badan yihiin shacab, askarna ay ku jirto.
Haweeney ka ag-dhaweyd halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa sheegtay weerarka in loo adeegsaday gaari uu noociisu ahaa Kaarib, isla-markaana uu argagax badan ku reebay daryankii ka dhashay qaraxaasi.
Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaaya in mashquul badani uu ka jiray Isgoyska Jubba, markii uu qaraxu ka dhacaayay, isla-markaana ay wadada ku xanibnaayen gaadiid fara badan.
Suxufiyiinta, ayaa sidoo kale soo sheegaaya inaanan la geli karin goobtii uu qaraxu ka dhacay, ayna buuxaan askar fara badan, oo rasaas dadka ku kala eryaaya, balse ay wararku ku helayan in meydad badan ay halkaasi yaallaan.
Wasaaradda Amniga Somaliya, ayaa sheegtay in waxyeelo badan ka dhalatay qaraxaasi, iminkana ay ku mashquulsan yihiin daadguraynta dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan oo si kooban kaga hadlay qaraxaasi, ayaa sheegay inay dib ka soo faah faahin doonaan khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, laakiin uu khasaaruhu badan yahay, sida uu yiri.
Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 5 ruux iyo dhaawaca 7 kale, kuwaa oo dhammaantood ay rayid yihiin, hase ahaatee uu khasaaruhu intaasi ka badan yahay, bacdamaa dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi ay askar ku jiraan.
Isbitaalada Keysaney & Madiina, ayaa loo daabulay inta badan dadkii ku geeriyooday, kuna dhaawacmay qaraxaasi. Dadka qaarkood waxaa la tilmaamay in si xun ugu dhaawacmayn qaraxaasi.







