Waxay faah faahin ka soo baxaysaa khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay xero ciidan oo ku dhex taala Jaamacadda Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose.
Weerarkan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu gaystay nin la socday gaari NOAH ahaa, kaasoo sida la soo sheegaayo beegsaday ciidan uu tababar kaga socday Xarunta Jaamacadda. Gaarigu wuxuu ka soo gudbay ugu yaraan laba kontorool oo gaadiidka ay ku baaraan Ciidamada Kenya.
Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan sagaal askari iyo dhaawaca lix kale. Waxaa kaloo jira in weerarkaasi ay ku dhaawacmayn ugu yaraan saddex ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amisom, kuwaa oo tababarka siinaayay Ciidamada.
Ninka gaariga waday, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu ahaa nin ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland, iyadoo sidoo kalana aanu ahayn nin looga shakiyo falkii uu maanta gaystay.
Qoraal ay soo saartay Amisom, ayaa waxaa lagu sheegay weeraraasi inay gaysteen laba nin, oo uu ku jiro ninkii askarta Jubbaland ka tirsanaa, ayna ku dhimatay sagaal askari, lix halana ay ku dhaawacantay.
Ururka Al Shabaab, ayaa durbaba sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna ku faanayn inay waxyeelo ugu gaysteen waxa ay ugu yeereen cadowga.
Laamaha ammaanka, ayaa xabsiga dhigay laba nin oo lala xiriirinaayo qaraxaasi, kuwaa oo su’aalo laga weydiinaayo waxa kala dhaxeeya kuwii weerarka gaystay.



