Gabdho u dhashay Dalka Sudan ayaa lagu soo waramayaa in Baasaboorka Soomaaliya u adeegsadeen in ay uga dhoofaan Magaalada Khartuum ayna ku aadaan dalka Siiriya si ay ugu biiraan Kooxda Islaamiyiinta ee Daacish.
Warbaahinta Dalka Sudan ayaa si weyn uga hadlay afar gabdhood oo labo kamid ah ay yihiin Mataano wada dhashay oo u dhoofay dalka Siiriya, si ay uga mid noqdaan Dagaalyahanada Daacish, waxa ayna gabdhhan ku safreen Baasaboorka Soomaaliya.
Gabdhahan ayaa baasaboorka Soomaaliga uga dhoofay garoonka Diyaaradaha Magaalada Khartuum, waxa ayna qaab taransit ah kusii mareen dalka Imaaraadka Carabta iyagoona uga sii gudbay Dalka Turkiga.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan Maxamed Cabdullahi Ugaas, oo la hadlay Wargeyska sudantribune ayaa si adag u beeniyay warkan la xariira in baasaboorka Soomaaliga ay gabdhahaasi reer Sudan ku safren, waxa uuna tilmaamay in Baasaboorka Soomaaliga uu kamid yahay kuwa ugu adag ee sida khaldan loo adeegsan karo.
Waxaa mudooyinkii dambe dalka Sudan kusoo badanayay dhalinyarada u dhashay Dalkaasi oo si dhuumasho ah uga duulayay dalkaasi, kuwaa oo ku biirayay kooxda Daacish oo awood badan ku leh Dalalka Ciraaq iyo Siiriya.
Dhalinyarada u dhashay Dalka Sudan ee ku biiraya kooxda Daacish ayaa u badan kuwa aan sabool aheyn oo nolol fiican ku jiray, waxaana ku jiray caruur ay dhaleen Dad magac ku dhax leh dalkaasi ay ku jiraan Msauuliyiin , waxaana dhalinyarada daacish ku biirtay kamid ah gabar uu dhalay Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Ali al-Sadiq .
