Markii ugu horeysay diyaarad Rakaab sida ayaa ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo muddo bil ah, ka soo wareegatay markii Ciidamada Dowladda & Amisom ay Ururka Al Shabaab kala wareegen gacan ku haynta Degmada Baardheere.
Magaaladan Baardheere, waxaa sideedii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku haayay Ururka Al Shabaab ee laga saaray Magaalada Baardheere, iyadoo shalay ay ka degtay Garoonka Baardheere Diyaarad yar oo nooca Rakaabka ah.
Diyaaradan ayaa la sheegay inay ka ambabaxday Magaalada Muqdisho, waxaana ay qaaday Rakaab u socday Magaalada Baardheere, iyadoo Magaaladasi ka soo qaaday rakaab kale oo Muqdisho ku soo wajahnaa.
Tani ayaa muujinaysa nolosha Degmada Baardheere inay si caadi ah ku soo noqonayso, maadaama intii ay Shabaab maamulayen Magaaladasi aysan jirin wax diyaarad ah oo ka degtay Baardheere ama kasoo duushay.
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo Khamiistii tagay Magaalada Baardheere, ayaa sheegay nolosha Magaalada inay caadi ku soo noqonayso, wuxuu Wasiirka sheegay Garoonka Diyaaradaha Baardheere inuu furan yahay oo uu shaqeynaayo.
Arintani, ayaa waxa ay farxad gelinaysa Bulshada Degmada Baardheere oo si fudud safar dhanka hawada ah ku gaari kara Magaalada Muqdisho, dibna kaga soo noqon kara.
Magaalada hada waxaa maamula ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Somalia, ammaankana wuxuu yahay mid hagaagsan.



