Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa gudbiyay Mooshin kale oo ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka Somalia, Mooshinkaasi oo la gudbiyay xalay.
125 Xildhibaan oo taageersan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudbiyay Mooshinkaan oo ay u cuskadeen qodobo dhowr ah oo ku aadan sharci ahaanshaha Mooshinkaasi iyo eedeymaha ka dhanka ah Madaxweynaha.
Xildhibaan C/laahi Cumar Abshiroow oo Saxaafadda u aqriyay Mooshinka, ayaa sheegay kadib markii ay arkeen Mooshinka Madaxweynaha laga gudbiyay inuusan aheyn mid sharci ah iyagana ay diyaariyeen Mooshin ay ku laalayaan Mooshinkaasi.
Ciwaanka Mooshinka ayaa ah (Ujeedo Soo jeedin laalis Mooshinka iyo Eedeymaha aan Sharciga waafaqsaneyn ee kasoo horjeeda Madaxwweynaha Somalia).
Xildhibaan C/laahi Cumar Abshiroow, ayaa sheegaya Xildhibaanada Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha u gudbiyay ay ku jiraan magacyada qaar horay u geeriyooday iyo xubno laga been abuurtay inay saxiixeen Mooshinkaasi oo si cad u sheegay inay ka baxeen inay saxiixeen Mooshinkaasi.
“Mudane Guddoomiye Anagoo ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliyeed oo magacyadooda iyo saxiixooda hoos ku cad yihiin, waxaan soo jeedinaynaa oo an diidanahay Mooshinka sharciga aanan waafaqsaneyn ee ay wadaan qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo ku soo been abuurtay tiro badan oo Xildhibaano ah iyaga oo aan waxba ka ogeyn, qaarkoodna horay ay uga baxeen.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Cumar Abshiroow.
Xildhibaan Abshiroow, ayaa sheegay maadaama Baarlamaanka ay horyaalaan shaqooyin adag mooshinkaan inuu carqalad u keenaayo howsha Baarlamaanka iyo waqtiga kala guurka dalka oo loo baahan yahay in la meel mariyo sharciyo badan oo Baarlamaanka hor yaallo.
Xildhibaanadan u istaagay inay difaacaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii dambe abaabulkooda waxa uu ka socday Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Villa Somalia, iyadoo tani ay muujinayso in qarash badan lagu bixiyay sidii loo abaabuli lahaa Mooshin kasoo horjeeda midka Madaxweynaha laga gudbiyay.
Madaxweynaha Somalia ayaa horay looga gudbiyay 12-kii Bishii dhamaatay Mooshin ay ku xusan yihiin qodobo culus oo lagu eedeeyay inuu Madaxweynaha ku kacay.