Xildhibaanada Qaranka Somalia ee Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Guddoonka Baarlamaanka Somalia waxa ay ka dalbanayaan xilligaan in la de dejiyo mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Somalia si waqti badan uusan u qaadan Mooshinkaasi.
Khaliif Maxamed Xaaji oo ah mudane ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha, ayaa sheegay kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay inay uga tashanayeen sidii loo de dejin lahaa Mooshinka si waqtiga uusan u qaadan.
“Kulankaasi wuxuu ahaa shacabka Somaliyed ayaa waxa ay ka cabanayaan waqtiga oo ay leeyihiin Mooshinkaan Hiigsiga 2016-ka armuu wax u dhimaa, si waqtiga loo yareeyo baan waxaan ka tashanaynay Guddoonka Baarlamaanka in uu soo de dejiyo Mooshinka.” Ayuu yiri Xildhibaan Khaliif
Isaga oo hadalka sii wata Xildhibaanka, wuxuu sheegay inay soo uruuriyeen macluumaad la xiriira eedeynta ay u jeediyeen Madaxweynaha Somalia, dhawaana ay u gudbin doonaan Guddoonka Baarlamaanka.
“Guddoonka Baarlamaanka ayaan waxaan ugu tageynaa inuu Mooshinka soo de dejiyo, waxaan soo aruurinaynay waxyaabihii dambiga ahaa ee dalkaan ka dhacay oo lagu xadgubay, xaq dhaqaale, xag Militare xag Nabad Suggid iyo xag qaybihii Bulshada dhan dhibaatadii la gaarsiiyay, waqti dheer bay naga qaadatay hadaan soo dhameystirnay, Guddoonka ayaan u gudbinaynaa.” Ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaanka.
Ugu dambeyn shacabka Somaliyed ayuu weydiistay Xildhibaan Khaliif inay taageeraan Mooshinkaan ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia, wuxuuna warkiisa intaasi ku daray sharciga in lagu kala bixi doono.
“Shacabka Dantiisa ayaan ka shaqeynaynaa shacabka garab ha nagu siiyaan arintaas, maalin waliba dalkaan kuma jiri karo in la iska bililiqeysto dhowr iyo labaatan sano ayuu dhib iyo qaxar iyo dagaal sokeeye ku jiray, maanta oo laga gudbay dhibaatada waxaa loo baahan yahay in sharciga lagu dhaqmo, hadii sharciga uusan dadka kale celin, hade waxaan ka shaqeynayno wax jiro ma’ahan.” Ayuu ku sheegay Wareysi uu siiyay Xildhibaanka Khaliif Maxamed Xaaji, Idaacada Kulmiye.
Xildhibaano gaaraya 93 Xildhibaan ayaa Mooshin lagu qoray eedeymo culus waxa ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka Somalia.