Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo Koonfurta Somalia, ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi ay ka socoto xaflad lagu caleemo saaraayo Guddoomiye uu Axmed Madoobe u magacaabay Gobolka Gedo.
Arintaan waxa ay ka dambeysay kadib markii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu xilkii ka qaaday Axmed Madoobe, inkastoo Kaliil uu kasoo horjeestay xil ka qaadistaasi.
Xaflada Caleemo Saarka Guddoomiyahaan cusub ee Gobolka Gedo Axmed Madoobe u magacaabay ayaa ka socota Dooloow, sida uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo ku sugan Degmada Dooloow.
Madasha Xaflada waxaa ku sugan Odayaal taageersan Guddoomiyaah cusub Axmed Buule Maxamed, iyo sidoo kale qaar ka mid ah Bulshada deegaanka oo ku faraxsan isbedelka lagu sameeyay Maamulka.
Gelinkii dambe ee Jimcihii lasoo dhaafay ayuu hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbaland Axmed Madoobe ku dhawaaqay inuu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo in muddo ah xilkaasi soo haayay.
Guddoomiyahan cusub ee Gobolka Gedo Axmed Madoobe uu u magacaabay ayaanan la ogeyn sida uu shaqada ku wajihi doono, maadaama Guddoomiyihii hore uu diiday xil ka qaadista lagu sameeyay.
Axmed Madoobe ayaa heshiis la galay siyaasiyiinta Reer Gedo inkastoo iyagana ay ku doodayaan in heshiiskii uu noqday mid bur buray.