Axmed Maxamed Islaam oo saaka aroortii dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, isaga oo kasoo kicitimay Magaalada Nairobi ayaa booqday Xerada ciidanka ee Sabtidii lasoo dhaafay Ismiidaaminta ay ka dhacday.
Axmed Madoobe oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi ayaa tagay goobtii ciidanka lagu qarxiyay, waxaana warbixin ay ka dhageysteen Saraakiisha ciidamada Xerada.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland iyo masuuliyiin kale ayaa la socotay Booqashada Axmed Madoobe uu maanta ku tagay Xarunta Jaamacada Magaalada Kismaayo oo ciidamada lagu tababaro.
Saraakiisha ciidamada ayaa Axmed Madoobe u faah-faahiyay qaabka qaraxa uu u dhacay iyo sidoo kale khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada qaraxaasi kasoo gaaray.
Masuuliyada qaraxaasi Ismiidaaminta ah waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab oo sheegay inay weerarkasi ku dileen ku dhawaad 100 Askari, sidoo kalena ay waxyeelo ugu geysteen Saraakiil Amisom ka tirsan.
Kasokoow hadalka Ururka Shabaab, qaraxaasi waxaa ku dhintay ciidamo gaaraya 25 Askari halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 40 Askari oo ciidamadii tababarka u taagnaa ahaa.
Jubbaland ayaa weerarkaasi Ismiidaaminta ah waxa ay u toogatay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada oo magaciisa lagu sheegay Cali Sankuus oo lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa qaraxa.




