Nala soo xiriir

Ciyaaraha

Hordhac: Stoke City v Liverpool – Reds Oo Maanka Ku Heysa Inay Aarsato Guuldaradii 6-1 Ee Britannia Stadium Ku Soo Gaartay Dhamaadkii Xilli Ciyaareedkii Hore

La Qoray

on

Kulanka: Stoke City v Liverpool

Garoonka: Britannia Stadium

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Anthony Taylor

Liverpool ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaabaneysa iyagoo rajeynaya in kulankooda ugu horeeya ee xilli ciyaareedka inuusan ku dhamaanin ceeb la mid ah booqashadoodii ugu danbeysay ee Stoke City.

Koxoda Reds ayaa guuldarro 6-1 ay ku soo gaartay Britannia Stadium kulankii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedkii hore, laakiin Liverpool ayaa la filayaa inay shax ka duwan tii markaas ay ku soo shirtagto kulanka maanta.

MAXAA KA CUSUB?

Stoke waxaa ka maqan kabtan Ryan Shawcross kaasoo ugu yaraan labo bilood garoomada ka maqnaanaya iyadoo daafaca dhexe qaliin looga sameeyay dhabarka.

Bojan ayaa isna ka soo laaban kara dhaawaca jilibka ee uu la maqnaa laakiin Marko Arnautovic iyo Marc Wilson ayaa shaki ku jiraa taam ahaanshahooda Seddexda xiddig ee Liverpool Daniel Sturridge, Joe Allen iyo Jon Flanagan ayaa dhaawac ku maqan

Saxiixyada cusub Christian Benteke, Nathaniel Clyne, Roberto Firmino iyo Joe Gomez ayaa la filayaa inay Reds u saftaan kulankoodii ugu horeysay.

SHAXDA MACQUULKA AH

Stoke City: Butland, Johnson, Wilson, Wollscheid, Pieters, Cameron, Whelan, Walters, Adam, Diouf, Joselu

Liverpool: Mignolet, Clyne, Sakho, Skrtel, Moreno; Henderson, Milner; Coutinho, Firmino, Ibe; Benteke

MA OGTAHAY?

Guushii Stoke ee 6-1 ee ay ka gaartay Liverpool maalintii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedkii hore ayaa ah guushoodii ugu weyneyd abid ee Premier League.
Sidoo kale waxa ay aheyd guuldaradii ugu cusleyd ee Reds ka soo gaarta Premier League iyo guuldaradii ugu xumeyd ee horyaalka heerka koowaad ka soo gaarta muddo 52 sannadood ah.
Seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Britannia Stadium waxaa ka soo baxday wadar ahaan 19 gool, 12 ka mid ah waxaa dhalisay kooxda martida loo ahaa.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ciyaaraha

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta, waana dhacdada ugu weyn kubadda cagta taasoo afartii sanaba mar lagu qabto wadamada hoos yimaada ururka ugu sarreeya kubadda cagta FIFA.

Russia ayaa markii ugu horreysay martigalin doonta, waxeyna la ciyaari doonaan kulanka ugu horreeya dhigooda Saudi Arabia kuwaas oo qudhooda leh rajada fiican oo ay kusoo gaaraan wareega 16-ka koobka Aduunka.

Fanaanka caanka ah ee Robbie Williams ayaana madadaali doono qof walba oo ku sugan garoonka ama shaashadda ka daawanaya tartanka muddo 30-daqiiqo ka hor bilaabashada kulanka.

Xulka Russia oo aan guul gaarin shantii kulan ee ugu dambeysay ayaana doonaya iney iska dhaqaan ceebta ka heysata koobka Aduunka isla markaana ay dadkooda hortooda ku gaaraan guul taariikhi ah.

sii aqri

Ciyaaraha

Tababare Jose Mourinho Oo Kaliya Hal Shuruud Ku Fasixi Doona Anthony Martial

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Tababare Jose Mourinho ayaan dooneyn inuu iibiyo ciyaariyahankiisa reer France Anthony Martial, balse maankiisa badali kara hadii ay Red Devils hal shuruud kasoo baxdo sida ay warinayaan warbaahinta Ingiriiska.

Martial ayaa qaatay fasal ciyaareed aad u adag kadib markii uu waayay boos joogto ah, waxeyna xaaladda kusii xumaatay markii uu January kusoo biiray kooxda xiddiga mushaarka ugu badan kooxda ka qaata ee Alexis Sanchez.

Inuusan wax badan u ciyaaarin kooxdiisa waxey keentay inuu waayo ka qeybgalka koobka Aduunka maadaama Didier Dechamps uu watay ciyaartoy inta badan safka hore ka ah kooxahooda

“Kadib markii aan ka fakarnay dhamaan waxyaabaha suuragalka ah, Anthony wuxuu doonayaa inuu ka huleelo Old Trafford” ayuu yiri Philippe Lamboley oo la hadlayay RMC.

Kooxo badan oo qaaradda yurub ah ayaa doonaya xiddigaan waxaana ka mid ah Tottenham Hotspur iyo Juventus, kuwaas oo si fiican ugu qancay hanaan ciyaareedka xiddiga reer France.

Red Devils ma dooneyso iney xiddigeeda da’da yar fasaxdo, balse xaaladda ayaa kusii xumaaneysa maadaama kaliya 12-bilood uu kaga harsan yahay qandaraaskiisa.

Jose Mourinho wuxuu maamulka Red Devils ku wargaliyay inaan la iibin Martial, ama loo balan qaado in lacagaha lagu iibiyo farta laga saari doono si uu badalkiisa ugu soo iibsado.

sii aqri

Ciyaaraha

Ciyaaryahan Patrick Ekeng oo geeriyooday, xilli uu Kubad Ciyaaraayay

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ciyaar yahay u dhashay dalka Cameroon, ayaa geeriyootay xilli uu ciyaaraayay kubad dhexmaraysay horyaalka dalka Romania.

Patrick Ekeng oo Ciyaarta iyadoo socota bedel ku soo galay, ayaa wuxuu ciyaaray kaliya 7 daqiiqo kadibna mar kaliya ayuu miir daboolmay oo uu istaaga ka dhacay.

Dhaqaatiirta qaabilsan dhanka caafimaadka Ciyaartoyda ee Garoonka ku sugneyd ayaa durba ku soo yaacay Patrick Ekeng, hayeeshe marki ay hubiyeen ayeey xaqiijiyeen inuu geeriyooday.

Patrick Ekeng oo Ciyaartooy laacib ah ayaa la sheegay markii uu kubadda Ciyaaraayay inaysan jirin ruux kale oo ay isku dhaceen ama jug ka soo gaartay.

26-jirkaan dhintay isaga oo Kubadda Ciyaaraya ayaanan aheyn Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee geeriyooda, xilli kubadd ay socoto.

Sanadihii la soo dhaafay, tiro ciyaartooy Afrikaan ah ayaa dhintay xilli ay dheelayeen.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka3 years ago

Ammaanka magaalada Muqdisho oo saaka si weyn loo adkeeyay

Wararka3 years ago

Dowlada Soomaaliya oo heshiis dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga la gashay dowlada Denmark

Ciyaaraha3 years ago

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta

Ciyaaraha3 years ago

Tababare Jose Mourinho Oo Kaliya Hal Shuruud Ku Fasixi Doona Anthony Martial

Wararka3 years ago

Rabshado khasaare geystay oo maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood

Wararka3 years ago

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 14-06-2018

Wararka3 years ago

Cabduweli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo Gaaray Magaalada Kismaayo(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Gaas oo xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii Nabadsugida iyo Sirdoonka Puntland

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 13-06-2018

Wararka3 years ago

Wasaaradda Ganacsiga oo mamnuucay Bastooladaha iyo baaruuda Caruurta

Wararka3 years ago

Farmaajo ayaa xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culimada Soomaaliyeed(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Xasan Cali Kheyre oo xalay kormeero ku tagay xarumaha ciidanka Booliska(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Kim Jong-un oo diiday inuu isticmaalo qalinkii uu heshiiska ku saxiixay Madaxweyne Trump

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 10-06-2018

Wararka3 years ago

(Eng. Yarisow) ayaa amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo bandhigay Nashqada Lacagta cusub(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Xasan Cali kheyre ayaa xalay waxa uu kormeer amniga ku saabsan ku tegay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir

Wararka3 years ago

Ciidmada Dawlada iyo kuwa Mareeknaka Ayaa faarujiyey deegaanka Baar Sanguuni(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay soo gaba gabeeyeen wajigii labaad oo ah shuruudaha Soomaaliya looga cafinayo deymaha

Wararka3 years ago

Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho

Wararka3 years ago

Saraakiil Soomaali oo Tababar ciidan loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga(Daawo Sawiro)

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Barnamijka Saaka Iyo Star Fm 10-06-2018

Wararka4 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka4 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka4 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English5 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco