Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay marxalada hada la joogo in isfahankii ugu wanaagsanaa uu ka dhexjiro Dowladda Federalka Somalia hay’adaheeda kala duwan.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay inuusan jirin khilaaf ama muran ka dhex taagan Dowladda Federalka Somalia dhexdeeda, howshana ay ku socoto sidii loogu talo galay.
“Waxaan hambalyeynayaa oo aan dhiiragelinayaa isfahanka Dowladeed ee ka dhex jira Baarlamaanka iyo Xukuumadda waa wax aad loogu farxo dadaalka iyo isfahanka ka dhexmuuqda Xukuumadda iyo Baarlamaanka.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xafladii lagu saxiixay heshiiska Maamulka loou sameynaayo Hiiraan iyo Sh.dhexe
Saddexdii sano ee lasoo dhaafay Dowladda Somalia waqtiga ugu badan wuxuu kaga lumay khilaaf u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha xilligaasi jooga iyo Madaxweynaha oo siyaasada isku fahmi waayay, taasi oo keentay in la rido Ra’iisul Wasaaraha, hadana mid kale lasoo magacaabo, waqti badana uu meeshaasi ku bixi jiray.
Isaga oo hadalka siiwata Madaxweynaha Somalia , wuxuu kaloo tilmaamay in Somalia uu ka lumay waqti badan oo 25-kii sano ee lasoo dhaafay Somalia aysan horay u socon, wuxuuna ka digay in marxaladii waqtigaasi ee isqab-qabsiga dib loogu noqdo.
Soomaalia ayaa waxaa si rasmi ah uga dhaqan galay nidaamka Federaalka oo dalka waxaa ka dhismay Maamul Goboleedyo kala duwa oo ugu dambeeyo Maamulkaan dhawaan howshiisa laguda geli doono ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe