Iyadoo maalintii labaad Magaalada Dhuusamareeb ay ku xiran yihiin Shan suxufi oo Ahlu Sunna ay xabsiga dhigtay, ayaa Maamulka Ahlu Sunna waxa ay sheegayaan in maanta maxkamad lasoo taagaayo Suxufiyiinta xiran.
Sarkaal ka tirsan Ururka Ahlu Sunna oo lagu magacaabo Mursal Sheekh Maxamed Xeefoow, ayaa sheegay in maanta maxkamad lasoo taagaayo Wariyeyaashaasi si eedeymaha loo haysto wax laga weydiiyo.
Waxa uu ku waramayaa Sarkaalkaan Suxufiyiinta u xiran inay kala yihiin afar rag ah iyo hal dumar ah, maalintii labaadna ay xabsiga ku jiraan, balse maanta maxkamada lasoo taagaayo.
“Wariyeyaasha xiran maanta maxkamad ayaa lasoo taagayaa si wax looga weydiiyo eedeymaha loo haysto ee la xiriira wararka ay baahiyeen iyo cadeymo hadii ay u hayaan banaanbaxa ay sheegeen in Dhuusamareeb uu ka dhacay.” Ayuu yiri Mursal Sheekh Maxamed Xeefoow oo Warbaahinta gudaha la hadlay.
Ahlu Sunna ayaa sababta ay u xirtay Suxufiyiinta waxa ay ku sheegeen inay tahay in Wariyeyaasha ay baahiyeen war la xiriira Banaanbax Ahlu Sunna looga soo horjeeda oo Dhuusamareeb ka dhacay, waxa ay Ahlu Sunna sheegaysaa inay ka doonayaan Wariyeyaasha xilliga Banaanbaxaasi uu dhacay iyo cadeymo ku saabsan banaanbaxa.
Shanta suxufi ee ciidamada Ahlu Sunna u xiran ayaa kala ah Maxamed Deeq Cabdi Maxamed, Wariye Bashiir Sanka, Cabdi Jamaal Macalin Axmed, C/laahi Warsam Rooble iyo Leylo Nuur Cilmi oo dhamaantood ka howlgala Magaalada Dhuusamareeb.
Ururada Saxaafadda ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Wariyeyaashaasi u xiran Ahlu Sunna ee maalintii labaad gacanta Ahlu Sunna ku jira.