Madaxda Dowladda Somaliya iyo Taliska Amisom, ayaa waxay kulan deg deg ah ka yeelan doonaan arrimaha ammaanka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib weerar uu dhiig badani ku daatay oo maanta ka dhacay Gobolkaasi.
Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa saakay ku jarmaaday Xerada Ciidamada Amisom ay ku lee yihiin Degmada Janaale, iyagoona xoog ku qabsaday Xerada, laayayna askar fara badan oo Amisom ka tirsan.
Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka Ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, Cali Nuur Maxamed, ayaa galabta sheegay Madaxda Dowladda iyo Taliska Amisom inay go’aan ka gaari doonaan, wixii laga yeeli lahaa arrimaha ammaanka ee Gobolkaasi.
Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa sheegay Gobolka Shabeellaha Hoose inuu ka mid yahay Gobolada ugu waaweyn ee Somaliya, isla-markaana aan la heli karin ciidan la dhigo goob kasta oo Gobolkaasi ka tirsan.
Cali Nuur Maxamed oo siyaabooyin kala gedisan ula hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan weerarada soo noq noqday, ee Ururka Al Shabaab ka gaysanayan Gobolka.
Mar uu ka hadlaayay khasaaraha ka dhashay weerarkii Janaale, ayuu sheegay in weerarkaasi uu sababay khasaaro labada dhinac ah, isla-markaana aanu khasaaruhu ku koobnayn Xoogaga Amisom oo qura.
Dadka reer Janaale, ayaa sheegay inay arkayn qaar ka mid ah meydadka Ciidamada Uganda, laakiin aynaan arag meydadka dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab. Mid ka mid ah dadka reer Janaale, ayaa sheegay Shabaabku inay daryeel u sameeyen askartii wax kaga noqotay dagaalka.
Weerarkii maanta, ayaa u muuqaal ekaa midkii ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Xeradii Ciidamada Burundi ee Deegaanka Leego Ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarkaasi wuxuu dhacay 26-kii bishii June.