Nala soo xiriir

Dhegeysi

Maxaad ka taqaan Taariikhda siyaasadeed ee Axmed Madoobe Iyo Marxaladii Uu Soo Maray (2006 ilaa 2015)

La Qoray

on

Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaanay Axmed Madoobe markii u horeysay ee la maqlo magaciisa waxay aheyd sanadkii 2006-dii xilligii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, waxaa ka mid ahaa Hogaamiyeyaashii islaamiyiinta.

Axmed Madoobe ayaa sanadkii 2006-dii loo magacaabay Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha ee Gobollada Jubooyinka, xilligaasoo duulaan isaga iyo Hogaamiyihii geeriyooday Xasan Turki ay kula wareegeen magaalada Kismaayo oo xarun u aheyd Isbaheysigii dooxada Jubba ee uu hogaaminayay Col. Barre Hiiraale oo ahaa xubin ka tirsan Baarlamaankii KMG ee fadhigiisa ahaa Baydhabo.

Sheekh Axmed Madoobe waxaa la sheegaa inuu kuxigeen ka ahaa Xarakada Al-Shabaab, waxaana uu ku xigay Sheekh ismaaciil Caraale oo ahaa Amiirkii u horeeyay ee Al-Shabaab oo ahaa garab ka tirsan Maxkamadihii islaamiga.

Dad badan ayaa u arkayay hogaamiye mayal adag, xilliyadii uu ahaa Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga ee Jubooyinka, markii Kismaayo lala wareegay waxaa mar kale loo arkayay hogaamiye awood ku lahaa Jubooyinka, isaga oo ku garab ahaa Sheekh Xasan Turki.

Kadib duulaankii Ciidamada Itoobiya oo taageero siinayay dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Maxkamadihii Islaamiga ayaa laga saaray Gobolladii Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana Axmed Madoobe uu mar ku dhaawacmay duqeymo deegaanada howdka ah ee Kudhaa ka geysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, waxaana isagoo dhaawac ah qabtay Ciidamadii Itoobiya oo mar dambe u qaaday Isbitaal ku yaalla Isbitaal gudaha Itoobiya, halkaasoo markii dambe lagu xiray.

Axmed Madoobe ayaa isagoo xabsiga ku jiray waxaa uu sanadkii 2009-kii ka mid noqday Baarlamaankii 550 xubnood ka koobnaa ee Jabuuti lagu dhisay ee 275 xildhibaan ka yimid Isbaheysigii dib u xoreynta ee Sheekh Shariif hogaaminayay.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Itoobiya, xilligaasoo Madaxweynihii Sheekh Shariif uu dowladda Itoobiya u sheegay in mid ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya uu xabsigooda ku xiran yahay, sidaasna lagu sii daayay.

4-tii April sanadkii 2009 ayuu ku dhawaaqay inuu isaga baxay Baarlamaanka, kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Kismaayo, waxaana wixii markaas ka dambeeyay uu noqday Hogaamiyaha Raaskambooni, waxaana ay ku biireen Ururkii Xisbul Islaam ee uu hogaaminayay Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo is baheysanayay ayaa bishii May sanadkii 2009 duulaan ku soo qaaday dowladdii curdanka aheyd ee uu hogaaminayay Madaxweyne Sheekh Shariif, waxaana Axmed Madoobe uu ka mid ahaa Saraakiishii ku shirtay Afgooye oo la sheego inay aheyd meelihii lagu dejiyay duulaankaas.

Bishii October sanadkii 2009-dii ayaa waxaa mar qura Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ka dhex bilowday muran dhinaca maamulkii meertada ahaa ee Kismaayo, waxaana garabka uu hogaaminayay Axmed Madoobe ay ku doodayeen inuu yahay xilligii iyana ay la wareegi lahaayeen maamulka Kismaayo oo xilligaa loo arkayay mid dhaqaale badan ka imaanayay.

Muranka ka dhashay maamulkii Kismaayo ayaa aakhirkii isu bedelay gacan ka hadal, waxaana dagaal maalmo qaatay uu ka dhex qarxay ciidankii Axmed Madoobe uu hogaaminayay iyo Al-Shabaab, waxaana ugu dambeyn laga saaray magaalada Axmed Madoobe, ilaa ugu dambeyn xuduuda Kenya la dhaafsiiyo.

Axmed Madoobe ayaa gudaha Kenya ka soo bilaabay jabhadeyn, iyadoo ay taageerayeen Ciidamada Kenya waxay ka soo tallaabeen xuduuda, dagaalo ka dhacay Dhoobley horaantii sanadkii 2011 ayay ugu suura gashay inay la wareegaan oo Al-Shabaab ka saaraan.

Hogaamiye Axmed Madoobe oo dib u aas aasay Raaskambooni ayaa kadib isaga oo ay wehliyaan Ciidamada Kenya oo dhamaadkii sanadkii 2011 gudaha u soo galay Soomaaliya waxay bishii October 2012 la wareegeen magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose oo aheyd magaalo xeebeed istiraatiiji ah.

Halganka Axmed Madoobe kuma koobneyn kaliya jabhadeyn ee waxaa ku lamaanaa damac siyaasadeed, waxaa 15 bishii May 2013 ergooyin shir uga socday Kismaayo ay u doorteen inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana doorashadaas qaadacday dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaam mid aan xaq iyo xalaal ku dhicin, loona arkayay in Axmed Madoobe is doortay.

Doorashada Axmed Madoobe kadib Kismaayo waxaa ka soo baxay illaa afar Madaxweynayaal is doortay oo uu ka mid ahaa Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo la sheego in Kismaayo doon lagu geeyay, waxaana kadib dagaal dhex maray Axmed Madoobe oo taageero ka helayay ciidankii Kenya iyo Madaxweynayaashii magaalada ku sugnaa, iyadoo markii dambe laga awood roonaaday Col, Barre Hiiraale iyo xubnihii kale ee Madaxweynayaashii is magacaabay.

Khilaafka Axmed Madoobe maamulkiisa ee Kismaayo iyo dowladda Federaalka ee saldhigeedu aheyd magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeystay, waxaana dowladda Itoobiya oo danooyin badan wadatay ayaa wada hadalo labada dhinac ugu qabatay magaalada Addis Ababa, waxaana 28 Agosto 2013 ka soo baxay heshiis dhigayay in Axmed Madoobe muddo labo sano uu noqdo Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo heshiiskaas kadib uu suura geliyay in dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe isu soo dhowaadaan, illaa Axmed Madoobe uu booqashadii u horeysay ku yimid magaalada Muqdisho, kadib jabhadeyntiisa.

Axmed Madoobe ayaa taageero ka helayay maamulka Puntland ee uu hogaaminayay Madaxweyne Faroole, waxaana uu safaro ku tagay Garowe, sidoo kale Madaxweyne C/wali Gaas oo loo doortay Madaxweynaha Puntland bishii Janaayo sanadkii 2014 ayuu taageero la mid ah tii Farooel oo kale ka helay.

Bishii May ee sanadkan 2015 ayaa waxaa muran ka dhashay soo xulistii Baarlamaanka Jubbaland, kaasoo markii dambe cabasho badan ka timid, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa ku tilmaamay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland mid aan si cadaalad loo soo xulin, sidaas darteed uu sharci darro yahay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa mooshin ka geeyay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, waxaana 6-dii June ee sanadkan, kadib maalmo uu dib u dhac ku imaanayay cod u qaadistiisa isku raacay in aanu ansax aheyn Baarlamaanka Jubbaland, isla markaana uu sharci darro yahay.

War saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Jubbland ayaa lagu sheegay in xiriirka ay u jareen dowladda Federaalka, taasoo u muuqatay mid la mid ah dhaqamadii laga bartay Puntland, waxaana mar walba Maamulka Jubbaland u gurbaan tumayay dhigooda Puntland oo garab-siinayay.

Madoobe oo saaxib dhow la ah Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa waxay isku aragti ka noqdeen shirkii Hiigsiga 2016 ee lagu qabtay magaalada Muqdisho dhamaakii bishii July ee sanadkan 2015, iyadoo qaadacay ka qeyb galka shirkaas.

Ka sokow taariikhda wajiyada badan ee uu Axmed Madoobe uga soo muuqday saaxada siyaasada Soomaaliya, waxay noqotay mid dhaxalsiisay inuu maanta noqday mid ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada ee talada 2016 ka go’i doonto.

Marka laga soo taago taariikhdiisa shalay iyo mida maanta waxaa uu xiriir dhow la leeyahay dowladdaha Itoobiya iyo Kenya, oo ah dowlado saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya, kumanaan ciidamana ka joogaan.

Axmed Madoobe ayaa labo sano kadib heshiiskii Addis Ababa waxaa maanta oo taariikhdu tahay 15 Agosto 2015 loo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, waxaana Dadka u dhuundaloola arrimaha Jubbooyinka ay doorashadan ku tilmaamay in ay tahay mid si dhib yar loogu doortay Axmed Madoobe ayna ka dhigan tahay Nin Dooran Doorta.

Ugu dambeyn dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu haatan yahay hogaamiye labo dhinac uga soo muuqday siyaasada jaantaa-roganka ee Soomaaliya

axmed-3

axmed-4

axmed-5

axmed-6

madaxda1

Xasan-iyo-Madoobe-Kismaayo

Xasan-Kismaayo

axmed-1

axmed-2

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Dhegeysi

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 14-06-2018

La Qoray

on

Waxaa Qoray

sii aqri

Dhegeysi

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 13-06-2018

La Qoray

on

Waxaa Qoray

sii aqri

Dhegeysi

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 10-06-2018

La Qoray

on

Waxaa Qoray

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka3 years ago

Ammaanka magaalada Muqdisho oo saaka si weyn loo adkeeyay

Wararka3 years ago

Dowlada Soomaaliya oo heshiis dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga la gashay dowlada Denmark

Ciyaaraha3 years ago

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta

Ciyaaraha3 years ago

Tababare Jose Mourinho Oo Kaliya Hal Shuruud Ku Fasixi Doona Anthony Martial

Wararka3 years ago

Rabshado khasaare geystay oo maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood

Wararka3 years ago

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 14-06-2018

Wararka3 years ago

Cabduweli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo Gaaray Magaalada Kismaayo(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Gaas oo xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii Nabadsugida iyo Sirdoonka Puntland

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 13-06-2018

Wararka3 years ago

Wasaaradda Ganacsiga oo mamnuucay Bastooladaha iyo baaruuda Caruurta

Wararka3 years ago

Farmaajo ayaa xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culimada Soomaaliyeed(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Xasan Cali Kheyre oo xalay kormeero ku tagay xarumaha ciidanka Booliska(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Kim Jong-un oo diiday inuu isticmaalo qalinkii uu heshiiska ku saxiixay Madaxweyne Trump

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 10-06-2018

Wararka3 years ago

(Eng. Yarisow) ayaa amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo bandhigay Nashqada Lacagta cusub(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Xasan Cali kheyre ayaa xalay waxa uu kormeer amniga ku saabsan ku tegay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir

Wararka3 years ago

Ciidmada Dawlada iyo kuwa Mareeknaka Ayaa faarujiyey deegaanka Baar Sanguuni(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay soo gaba gabeeyeen wajigii labaad oo ah shuruudaha Soomaaliya looga cafinayo deymaha

Wararka3 years ago

Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho

Wararka3 years ago

Saraakiil Soomaali oo Tababar ciidan loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga(Daawo Sawiro)

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Barnamijka Saaka Iyo Star Fm 10-06-2018

Wararka4 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka4 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka4 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English5 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco