Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka loo adkeeyay si duwan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo maalintii labaad ay tahay Ciidul Fidriga.
Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa saaka la dhigay waddooyin hor leh oo ka mid ah kuwa magaalada Muqdisho, waxaana meelaha qaar la diiday isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay sii xoojiyeen waddooyinkii xirnaa maalmihii u dambeeyay ee bisha Ramadaan.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Wafdi ka socda dowladda Itoobiya ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.
Koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay, ma jirto gaadiid ka baxaya ama soo galaya.
Bishii Ramadaan ee dhamaatay ayaa magaalada ka dhicin wax qarax ah, iyadoo ciidamada amniga ay sii laba laabeen amniga magaalada, iyagoo xiray waddooyinka, hase ahaatee waxaa magaalada ka dhacayay dilal qorsheysan oo lagu tilmaamay kuwii ugu badnaa abid.