Maxkamad Federaal ah oo ku taallo Magaalada Miami Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa xukun gaaraya 15-sano waxa ay ku xukuntay muwaadin Somaliyed, kadib markii lagu helay kiis la xiriira inuu lacag u diray Ururka Shabaab.
Ninkan Maxkamada ay xukuntay ayaa lagu magacaabaa Mohamed Hussien Saeed, waxaana soo eedeeyay FBI-da Mareykanka oo sheegay Mohamed inuu dhaqaalo u diri jiray Ururka Shabaab oo ka mid ah Ururada Islaamiyinta ee Al-Qaeda ka tirsan.
Eedeysanaha la xukumay ayaa da’diisa waxa ay tahay 27 sano jir, wuxuuna deegaan ahaan deganaan jiray dalka Kenya, balse wuxuu ku noolaa sanadihii dambe dalka Mareykanka.
Muddo ayeey FBI-da Ninkaan ku daba jireen oo baaritaan ay ku hayeen, ugu dambeyna waxaa lagu helay kiisas la xiriira inuu dhaqaale iyo qalab intaba u diri jiray Ururka Shabaab ee Somalia ka dagaalama.
Dacwad oogayaasha Mohamed, ayaa sheegay inuu diray lacag dhan 11,000 oo Dollar, wuxuuna u diray lacagtaasi Ururka Al Shabaab, sida ay maxkamada ka hor sheegeen dacwad oogayaasha Mohamed.
Kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud ee amniga Qaranka, John P. Carlin, xeer ilaaliyaha magaalada Florida iyo wakiilka gaaarka ah ee hay’ada FBI ee gobolka Miami, ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay xukunka 15-ka sano ee Ninkaan Somaliga ah lagu riday.
Mohamed ayaa qirtay mid ka mid ah eedeymaha loo soo jeediyay oo aheyd in Bishii May 28 keeda ee sanadkaan inuu lacag u diray Shabaab, sidoo kalena Shabaab uu u qaabilsanaa qorista Dhalinyarada ku biireysa.