Ninkan oo u dhashay dalka Turkiga, ayaa waxaa maanta laga soo qabtay Deegaanka Nong Jok, ee duleedka Magaalada Bangkok. Bangkok waa Caasimadda Wadanka Thailand.
Booliska Thailand, ayaa gudaha u galay dhisme uu ku noollaa ninkaasi. Dhismahaasi waxaa laga helay waxyaanaha laga sameeyo qaraxyada iyo 10 xabo oo basabooro ah. Ma cadda dalalka laga lee yahay basabooradaasi.
Afhayeen u hadlay Booliska Thailand oo lagu magacaabo Prawut Thavornsiri, ayaa sheegay ninkaasi in lala xiriirinaayo ninkii la shaaciyay inuu ka masuulka ahaa qaraxaasi.
Afhayeenka, ayaa sheegay ninka maanta gacanta lagu soo dhigay inuu yahay nin ajnabi ah, isagoo hoosta ka xariiqay inuu ka tirsan yahay argagaxisada caalamiga ah, sida uu yiri.
“Waa nin ajnabi ah, balse waxaa nasiib daro ah waxa uu ka tirsan yahay argagaxisada caalamiga ah. Waa shakhsi dirira.” Ayuu yiri Prawut Thavornsiri oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Bangkok.
Booliska, ayaa ninkaasi soo bandhigay isagoo xiran funaanad iyo daba gaab jaalo/huruud ah, gacmahana laga jeebadeeyay.
Laamaha ammaanka Thailand oo aqoonsaday muuqaalka ninkii qaraxaasi ka dambeeyay, ayaa soo bandhigay sawirkiisa dhabta ah. Ninkan ayaa kaamirooyinka ka soo muuqday isagoo qaraxa dhigaaya xeendaabka macbadka.
Xukuumadda Bangkok, ayaa ballanqaaday abaalmarin dhan 28 kun oo dollarka Mareykanka ah, cidii war iyo wacaal ka keenta ninka sida dhow qaraxaasi loola xiriirinaayo, baxsadkana ah.
17-kii bishan, ayaa qaraxaasi waxa uu ka dhacay agagaarka macbadka Erawan Shrine, waxaana la xaqiijiyay qaraxaasi inay ku dhimatay 20 qof, halka 100 kalana ay ku dhaawacantay.



Thai Royal Police inspect the site where a suspect of the recent Bangkok blast was arrested, August 29, 2015. REUTERS/Chaiwat Subprasom

Thai Royal Police inspect the site where a suspect of the recent Bangkok blast was arrested, August 29, 2015. REUTERS/Chaiwat Subprasom




Thai Royal Police officials remove evidence from the site where a suspect of the recent Bangkok blast was arrested, in Bangkok August 29, 2015. REUTERS/Chaiwat Subprasom
