Maxkamada Racfaanka Seychelles,ayaa sii deysay sideed ruux oo Soomaali oo ka tirsan burcad badeeda Soomaalida,sida maxkamada ay ku dhawaaqday.
Ragaan la sii daayay oo dhamaantooda Soomaali ah ayaa ku cadaaday iney ka tirsanaayeen burcad badeeda Soomaalida ee ka jira marin biyoodka Soomaalia,kuwaasi oo inta badan weerar ay ku qafaashaan ku qaada Maraakiibta iyo doomaha isticmaala Biyaha Soomaaliya.
Maxkamada ayaa amar ku bixisay in hada loo dhoofiyo Soomaaliya,waxaana wehlin doona oo kaliya danbiyo yar oo wali ku harsan.
Soomaalidan ay sii deysay Maxkamada Seychelles,kuna eedeysan falka burcad badeednimada ayaa gacanta ku dhigay Ciidamada Nato iyo Midowga Yurub oo iskaashanaha 13 August,waxana xilligii la qabanayay ay saarnaayeen dooni lagu magacaabo Burhan Noor,sida lagu yiri war ka soo baxay Dowlada Neharland.
Dowlada, Seychelles ayaa dalkeeda ku maxkamadeysa dadka ay ku hesho falalka burcad badeednimada,waxayna ka mid tahay wadamo dhowr ah oo fasax u heysta iney maxkamadeyn karaan.
Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ka jira Qatar dhanka amaanka ah,taasi oo beesha caalamka u aragta mid caalami ah oo kaliya saameyn ku lahayn Soomaaliya.