

Wararka
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Kulan Layeeshay Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka(Daawo Sawirada)
La Qoray
5 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMXubnaha Guddiga Fulinta ee Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa kulan la yeeshay 27-kii bishii hore Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, iyadoo kulankan uu ka dhacay Xafiiska Ra’iisul
Kulankan ayaa ku saabsanaa mid wada tashi ah oo ku aadan dib u heshiisiinta dalka iyo sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka.
Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse oo hadalka furay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay waqtiga uu siiyay Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka si ay uga wada hadlaan arimo badan oo la xiriira dib-u hishiisiinta.
Intaas kadib, Guddoomiyaha waxaa uu faah faahin dheer ka bixiyey howlihii ugu muhimsanaa ee uu Guddigu soo qabtay muddooyinkii ugu dambeeyey, gaar ahaan sanadihii 2014 – 2015.
Guddoomiyuhu waxaa uu sawir guud ka bixiyey in ay dib u heshiisiintu u qeybsan tahay laba qeybood oo kala ah:
Ø Dib u heshiisiinta bulshada iyo deegaannada; iyo
Ø Dib u heshiisiinta siyaasadda
Dib u heshiisiinta Bulshada iyo Deegaannada:
Waxaa u warbixin ka bixiyey meelihii ugu muhimsanaa ee uu Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranku ka sameeyay howlaha dib u heshiisiinta bulshada iyo deegaanada, waxaana ka mid ahaa Gobolka Shabeellaha Hoose oo labo beelood ku dagaalameen.
Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo kaashanaha Wasiirada ayuu sheegay inay sameeyeen dib u heshiisiin iyo wada hadal bulsho oo heer degmo iyo heer deegaan ah.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay dib u heshiisiin ay ka sameeyeen Shabeellaha Dhexe ayuu xusay in labo beelood oo sanad ka hor ku dagaalamay halkaas ay dib u heshiisiin u sameeyeen, isagoo tilmaamay in kulan ballaaran oo dib u heshiisiin ah uu ka dhacay degmada Jowhar.
Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa sheegay inay sidoo kale ka qeyb qaateen shir dib u heshiisiin ah loo qabtay labo beelood oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan, sidoo kale waxaa uu xusay in wafdi ka socda Guddiga dib u heshiisiinta ay ku baxeen beelo ku dagaalamay Mudug iyo Galgaduud, isla markaana mar walba colaada labada beelood ay soo noq noqotay.
Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta ayaa hoosta ka xariiqay in la qabto shir wayne dib u hehsiisiin oo la isugu keeno dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada si la isugu cafiyo, loona helo heshiis bulsho oo waara.
Waxaa kaloo Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta uu soo hadal qaaday dib u heshiisiinta siyaasada, isla markaana muhiim tahay in dalka uu gaaro dib u heshiisiin waarta iyo xasilooni siyaasadeed, isla markaana dhex dhexaadin siyaasadeed laga sameeyo dhinacyada isku haya siyaasada dalka sida:-
• Puntland & Dowladda Federalka
• Puntland & Galmudug
• Galmudug & Ahlu-sunna
• Jubbaland & Dowladda Federalka
• Jubbaland & Gobolka Gedo
• Wadahadalki Somaliland & Dowladda Federalka oo horey loo sii wado.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirka soo gaba gabeeyay, waxaana uu soo dhoweeyay xubnaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka talooyinkii ay u soo gudbiyeen iyo howlihii dib u heshiisiinta ee ay dalka ka wadeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu garowsan yahay in Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka uu yahay mid sharci ah, inta laga sameynayo Guddi kale oo badala, sida ku qoran dastuurka, isla markaana guddigan sii wadayp howsha dib u heshiisiinta.
Waxaa uu sheegay in dagaalo beeleedyo ay ka dhaceen Gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana uu ugu baaqay Guddiga inuu u istaago xalkiisa iyo sidii lagu dhameyn lahaa, isla markaana keenaan barnaamij ku saabsan habka dib u heshiisiinta loo marayo.
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Wararka
Ammaanka magaalada Muqdisho oo saaka si weyn loo adkeeyay
La Qoray
3 years agoon
Jun 16, 2018Waxaa Qoray
Star FM
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka loo adkeeyay si duwan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo maalintii labaad ay tahay Ciidul Fidriga.
Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa saaka la dhigay waddooyin hor leh oo ka mid ah kuwa magaalada Muqdisho, waxaana meelaha qaar la diiday isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay sii xoojiyeen waddooyinkii xirnaa maalmihii u dambeeyay ee bisha Ramadaan.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Wafdi ka socda dowladda Itoobiya ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.
Koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay, ma jirto gaadiid ka baxaya ama soo galaya.
Bishii Ramadaan ee dhamaatay ayaa magaalada ka dhicin wax qarax ah, iyadoo ciidamada amniga ay sii laba laabeen amniga magaalada, iyagoo xiray waddooyinka, hase ahaatee waxaa magaalada ka dhacayay dilal qorsheysan oo lagu tilmaamay kuwii ugu badnaa abid.
Wararka
Dowlada Soomaaliya oo heshiis dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga la gashay dowlada Denmark
La Qoray
3 years agoon
Jun 14, 2018Waxaa Qoray
Star FM
Dowladaha Soomaaliya iyo Denmark ayaa heshiis qarsoodi ah oo dhigaya in dadka magangalyo doonka ah ee Soomaalida ah dalka Soomaaliya dib loogu soo celin karo.
Heshiiskan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa soo ifbaxay kadib markii xisbiga mucaaradka dalka Denmark uu ku eedeeyay dowlada wadankaas inay gashay heshiiskan ayna u baahan yihiin mucaaradka in la cadeeyo.Afhayeenka Xisbiga Social Democrats ee dalkaasi, Mattias Tesfaye oo la hadlay Telefishinka TV 2 ayaa tilmaamay inay u baahan yihiin caddaynta ku aadan Heshiiskaasi, iyadoo aan la soconin Heshiiskaasi, isla markaana ay jiraan dad Soomaali ah oo si qarsoodi ah loogu celiyey dalka Somalia.
Hase yeeshee Wasiirada Arrimaha Socdaalka ee dalka Denmark Inger Støjberg ayaa Farriin E-mail ku dirtay ku sheegtay in heshiiska lala galay DFS uu yahay Heshiis Qarsoodi ah, waxayna diiday inay faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo Heshiiska qarsoodiga ee dadka Soomaalida loogu celinayo Somalia.
Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Denmark ayaa sheegtay inay heleen Dukumenti muujinaya Hrshiiska ay labada Dowladood gaareen, taasi oo lagu xusay in Soomaalida aan haysanin Sharciga Deganaanshaha Denmark in loo masaafuriyo Somalia.
Heshiiska qarsoodiga ah ee galeen dowladaha Soomaaliya iyo Denmark ayaa ah mid afka ah waxaa uu dhigayaa in dalka Denmark ay Soomaaliya dib ugu soo celin karto muwaadinkii aan helin Dokumenti iyo aqbalaad rasmi ah.
Wararka
Rabshado khasaare geystay oo maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood
La Qoray
3 years agoon
Jun 14, 2018Waxaa Qoray
Star FM
Saddex Haween ah ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhaawacmay rabshado ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Rabshadahan ayaa bilaabmay kadib markii gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Millateriga Somaliland ay soo galeen gudaha magaalada si ay uga adeegtaaan laakiin waxa ay isku dhaceen dad shacab ah.
Dhaawaca Saddexda Dumarka ah oo laba xaaladdoodu culus tahay ayaa la dhiggay Cisbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood.
Goobta ay ka dhaceen rabshadaha ayaa waxaa ilaa hadda ka taagan xiisad colaadeed, waxaana markale laga cabsi qabaa in ay rabshado kale dhacaan.
Maamulka Somaliland weli kama aanay hadlin rabshadahan, balse saraakiisha Booliska Somaliland ayaa waxa ay tilmaameen in ay faah faahin ka bixin doonaan dhacdadan.


Ammaanka magaalada Muqdisho oo saaka si weyn loo adkeeyay

Dowlada Soomaaliya oo heshiis dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga la gashay dowlada Denmark

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta

Tababare Jose Mourinho Oo Kaliya Hal Shuruud Ku Fasixi Doona Anthony Martial

Rabshado khasaare geystay oo maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 14-06-2018

Cabduweli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo Gaaray Magaalada Kismaayo(Daawo Sawiro)

Gaas oo xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii Nabadsugida iyo Sirdoonka Puntland

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 13-06-2018

Wasaaradda Ganacsiga oo mamnuucay Bastooladaha iyo baaruuda Caruurta

Farmaajo ayaa xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culimada Soomaaliyeed(Daawo Sawiro)

Xasan Cali Kheyre oo xalay kormeero ku tagay xarumaha ciidanka Booliska(Daawo Sawiro)

Kim Jong-un oo diiday inuu isticmaalo qalinkii uu heshiiska ku saxiixay Madaxweyne Trump

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 10-06-2018

(Eng. Yarisow) ayaa amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta(Daawo Sawiro)

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo bandhigay Nashqada Lacagta cusub(Daawo Sawiro)

Xasan Cali kheyre ayaa xalay waxa uu kormeer amniga ku saabsan ku tegay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir

Ciidmada Dawlada iyo kuwa Mareeknaka Ayaa faarujiyey deegaanka Baar Sanguuni(Daawo Sawiro)

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay soo gaba gabeeyeen wajigii labaad oo ah shuruudaha Soomaaliya looga cafinayo deymaha

Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho

Saraakiil Soomaali oo Tababar ciidan loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga(Daawo Sawiro)

DHAGEYSO:-Barnamijka Saaka Iyo Star Fm 10-06-2018

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters
Daalaco
-
Wararka3 years ago
Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town
-
Dhegeysi3 years ago
DHAGEYSO:-Barnaamijka Saakay iyo Starfm 07-05-2018
-
Dhegeysi3 years ago
DHAGEYSO;Warka Habeen Star Fm 14-05-2018
-
News In English3 years ago
Uganda says military operation in Somalia still on despite challenges