Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay safar ku tagay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay ciidamo badan oo ka qayb qaata suggida ammaanka Magaalada Marka in la geynaayo Magaaladaasi.
Ammaanka Magaalada Marka ayaa ah mid aanan wanaagsaneyn, waxaana taasi cadeyn u ah dilal kala duwan oo Magaalada ka dhaca iyo qaraxyo lala eegto ciidamada Amisom oo ugu dambeeyay qarax shalay lagu tuuray ciidamo ka tirsan Dowladda oo Magaalada Marka ku sugnaa.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan, ayaa sheegay ciidamo ammaanka Magaalada sugga in la geynaayo Magaaladaasi, sidoo kalena la dhameystiraayo Maamulka Magaalada Marka si Bulshada ay u helaan adeegyda ay doonayaan.
Shariif Xasan ayaa tilmaamay in uu ka xun yahay dhibaatada shacabka kasoo gaartay falal ay Amisom ka geysteen magaalada Marka, waxaana uu tilmaamay in wixii dhacay laga wada hadlayo.
“Isbedal Amni oo degdeg ah ayaa ka dhici doona magaalada Marka, waxaan ka xunnahay wixii shacabka horay usoo gaaray, laakiinse maamulka Marka ayaa la dhameystiri doonaa, sidoo kalena magaalada oo dhan waxaan keenni donnaa ciidamo amniga suga.” Ayuu yiri Shariif Xasan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa shacabka Marka u sheegay inaysan ka cabsan Shabaab oo ay la shaqeeyaan Maamulka cusub ee Magaalada Marka.
“Shabaab yaanan laga cabsan Ilaah ayaa wax dila , shabaab waa Dhiman Adduunka dambi ka soo galay maaha marka inay nagu soo Dhuumaaleystaan annagana aan garabsiinno aan iska Celino innaga oo iskaashanayna Shabaab.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh aadan.