Waxaa maanta Waqooyiga Magaalada Galkacyo ka furmay shirweynaha wada tashiga Puntland, iyadoona uu shirku furay Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.
Shirka, ayaa socon doono 25-29-ka bishan, waxaana ka qaybgaleysa Illaa laba boqol oo ergo oo laga soo kala xulay Deegaanada Puntland. Ergada ayaa maalmihii ugu dambeeyay siyaabooyin kala gedisan u timid Magaalada Galkacyo. Waxaa kaloo jira dad lagu soo marti qaaday shirka.
Shirkan oo ka furmay Xarunta Horumarinta Waxbarashada & Nabadda Ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa ka hadlay dhinacyo kala duwan, waxayna si isku mid ah ay u sheegeen lagama maarmaan inay tahay xoojinta midnimada dadka reer Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa sheegay qabsoomidda shirkan in wax weyn uu ka bedeli doono siyaasadda Puntland, isla-markaana uu horseedaayo is faham iyo inay dadku wax ku soo doortan nidaamka xisbiyada.
Madaxweynaha, ayaa muujiyay sida Maamulkiisu uu kaga go’an yahay, sidii uu ku suurta gelin lahaa in dadku shakhsiga ay doonayan ku soo doortan nidaamka axsaabta badan.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada & Xildhibaanada Puntland, ayaa Madaxweyne Gaas ku wehlinaysa shirkaasi, shanta maalmood ee uu ka socon doono Waqooyiga Galkacyo.
Wariye-yaasha ka hawlgala Waqooyiga Galkacyo, ayaa soo sheegaaya in 29-ka bishan shirkaasi laga soo saari doono qodobo muhiim ah, oo ku aadan mustaqbalka Puntland.
Boqolaal ka tirsan Ciidanka Puntland, ayaa loogu talla-galay inay xaqiijiyan ammaanka, kana hortaggaan falalka ka dhanka ah amniga.












