Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmahaanba booqasho ku joogay Magaalada Galkacyo, ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furo shirka wada tashiga Puntland.
Shirkan oo socon doono muddo shan maalmood ah, ayaa waxaa lagu wadaa in looga hadlo midnimada dadka reer Puntland, siyaasadda dalka, amniga iyo dhaqaalaha.
Illaa laba boqol oo ergo oo laga soo kala xulay Deegaanada Puntland, ayaa ka qaybgeli doona kuwaa oo la soo sheegaayo in hadaba ay ku sugan yihiin Waqooyiga Magaalada Galkacyo.
Gudoomiyaha Guddiga Qaban Qaabada Shirka, Maxamuud Xaaji Saalaax, oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in ergadii shirka ka qaybgeli laheyd ay ku sugan tahay Magaalada Galkacyo.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada & Xildhibaanada Puntland, ayaa Madaxweyne Gaas ku wehlin doono shirkaasi, shanta maalmood ee uu ka socon doono Waqooyiga Galkacyo.
Boqolaal ka tirsan Ciidanka Puntland, ayaa loogu talla-galay inay xaqiijiyan ammaanka, kana hortaggaan falal ka dhan ah in xasilooni uu ku qabsoomo shirkaasi.